Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu kaga jawaabay hadalo hanjabaad oo kale ah oo Shariif Sheekh Axmed ka soo yeeray taasoo ahayd muda kororsiga Xasan Sheekh inay tahay tuu ku dhiman lahaa.
Wasiir Fiqi ayaa qoraalkiisa ku soo qaatay taariikh dhacday xiligii uu Dalka Madaxweynaha kumeel gaarka ah ka ahaa Somalia Shariif Sheekh Axmed isagoo xusay inuu yahay madaxweynihii ugu horeeyay ee muda kororsi sameysta.
“Saaxiibkey Sheekh Shariif isagaa ugu horeeyay Madaxweyne muddo kororsi hal sano ah sameystay mana jirin cid u hanjabtay” ayuu yiri Wasiir Fiqi
Haddana qoraalka Wasiir Fiqi oo uu cinwaan uga dhigay Xataa Annagaa Sheekhow! oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Xataa Annagaa Sheekhow!
Saaxiibkey Sheekh Shariif haddii ay jirto muddo kororsi la sameeyey asaga ayaa ugu horeeyey madaxweyne muddo xileedkiisii ku darsaday hal sano.
Waxaa la xusuustaa in aysan jirin cid u hanjabtay waqtigaas, ayadoo uu musharixiinta waqtigaas ninka ugu weyn uu ahaa madaxweynaha hadda xilka haya Dr. Xasan Sheekh.
Sheekhu waa ninkii ugu horeeyey ee jideeyey, ku qancay isla markaana qaatay hal sano oo ka dheeri ah muddo xileedkiisii.
Hanjabaadaha iyo inuu Îskâ dhigo nin ka caaggan muddo kororsi, haddii uu ilaawayna diiwaanka dib ha ugu noqdo, haddii kalena yuusan is-moodsiin.
