Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka jawaabay hadal heyn badan oo baraha bulshada qabsatay 24-kii saac ee u danbeeyay kaasoo ah halka ka dhacayo shirka u dhexeeya Dowlada iyo mucaaradka oo dadka dowlada ka soo horjeeda ay aad u shaaciyeen in Dowladu Madaxweyne Xasan lagaga adkaaday mowqifkeedii hore ee ahaa inaysan shir aayaha dalka ku galen meel ka baxsan meelaha Dowladu maamusho halka kuwa Dowlada taageera ay difaacayeen.
Hadana qoraal kooban oo Wasiir Fiqi uu arintaasi kaga hadlay oo sideeda u qiran halkaan ka akhriso:-
Shirka madaxda dalka iyo kooxda mucaaradku xafiis dawladdu leedahay ayuu ka dhacayaa iyo dhul dawladdu ka taliso.
Kuwa aan isku kalsoonayn ee dhibcaha ka raadinaya wax kasta waxaan u Cadnaan’s in madaxda dalka wadahadalku u yahay mabda’, laakin kooxda calaacalku wax qiimo uguma fadhiyo, waayo wax ajende ah ma wataan oo aan ahayn wadahadal kasta in ay fashiliyaan.
Waxay diideen gogosha madaxweynuhu u fididyey, tabartooda ayay soo tijaabsheen 10kii bishan, waxayna ku soo laabteen isla gogoshii qeyb ka mid ah.
