HomeWarkiiWasiir Fiqi oo iska diiday inuu ka hadlo arinta  markabka hubka siday...

Wasiir Fiqi oo iska diiday inuu ka hadlo arinta  markabka hubka siday ee Puntland qabatay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa baraha bulshada si weyn u qabsaday  saacadihii ugu danbeeyay  Wasiirka Difaaca Somalia oo wariye uu wax ka weydiinayo markabka markabka Sea World ee la sheegay inuu hubka u siday Dowlada Somalia islamarkaana  Puntland lagu qabtay isagana uu meesha ka dhaqaaqay isagoon ka jawaabin.

Wasiir Fiqi ayaa ka soo baxay shirka Wasiirada dalalka bariga Afrika ee Muqdisho ka socda markaasoo wariyayashu ku xoomeen islamarkaana shirka wax ka weydiiyeen kadibna uu ka warbixiyay shirka inuu yahay kii ugu horeeyay ee nuuciisa ee dalka lagu qabto.

Arinta aad-ka loola yaabay ayaa ahayd wasiir fiqi sida uu u diiday ka jawaabista su’aal shacabka Soomaaliyeed aad u daneynayeen taasoo ahayd markabka la sheegay inuu Dowlada u waday hubka iyo gaadiidka dagaal ee ay Puntand qabatay.

Dhanka kale waxaa muuqaalka sida uu cadeynayo diidmada xoogeeda qeyb ku lahaa nin loo malaynayo inuu yahay gacan yaraha wasiirka kaasoo wariyaha gacanta ula tagaayo si uu uga reebo wasiirka oo ka dhaqaaqay su’aasha la weydiiyay

Mareegtaan wax xog ah kama heyso masuulkaas wasiirkala socday inuu ka mid yahay ilaaladiisa gaarka ah , inuu yahay xogheynta Wasiirka ama gacan yaraha wasiirka laakiin muuqaalka sida laga arkay wariyaha waxaa celinaya si xoog leh ninkaasi wasiirka la socday

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -