MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi oo xalay ka hadlayay munaasabad casha sharaf ahayd oo ku aadaneyd xuska maalinta ciidamada Xooga ayaa soo hadal qaaday mucaaradka Dowlada qaarkood kuwaasoo sida uu sheegay aaminay in ciidamada Xoogga Somalia weerar ku yihiin iyaga.
“dad madax ah ayaa aaminay oo hadii ay arkaan ciidamada Xooda Somalia ku dhahaya anaga nala soo weerarayaa ama anga nala dhibaateynayaa,taasina waa meel laga soo noqon doono”ayuu yiri Wasiir Fiqi
Dhanka kale Wasiirka wuxuu sheegay inay danbi weyn tahay in maamul Goboleed maanta xirto wadooyinka iyagoo dhahaya Dowlad nooma iman karto,isagoo is weydiiy xagee aadi rabaa maamulka Dowlada diidan
“Waa wax la cadeeyay in ciidamada Xooga sidii Baydhaba looga soo dhaweeyay in looga soo dhaweyn doono meel kasa”ayuu yiri Wasiir Fiqi
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
