Waa wax lagu xumaado in Kooxaha mucaaradku ay weeraraan saldhigga Booliiska, burburiyaan gaadiidkii ciidanka, dil iyo Dhaawac u geystaan ciidamada boolisska.
Waa in maxkamad loo soo saaraa Kooxaha mukharibiinta ah ee sida kooxaha argagixisada u beegsanaya ciidamada qaranka, hay’adaha cadaaladuna ay waajibkooda ka gutaan.
Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xili maanta uu dagaal dhexmaray ciidamada mucaaradka iyo kuwa booliiska Soomaaliya kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac iyo burbur gaadiidka ciidamada Dowladu leeyihiin.
