HomeWarkiiWasiir Fiqi "Waxaan wadaynaa in aan kashifna ajende la’aanta mucaaradka"

Wasiir Fiqi “Waxaan wadaynaa in aan kashifna ajende la’aanta mucaaradka”

 MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Difaaca Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa ka jawaabay munaasabadii xalay ay Mucaaradku Muqdisho ku qabteen kaasoo ay ku soo bandhigeen hooyooyin cabasho ka ahaa arimaha dhulka ay Dowladu ka wado Magaalada Muqdisho xili Dowladu dhulal badan ka barakicisay shacabkii mudada deganaa markii ay sheegeen in Dowladu u baahatay dhulkeeda.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka gaar ahan kuwa madasha samatabixinta la baxay ay ka sii yaraaneyso xikmadii sida uu warka u dhigay.

“Xubnihii Madasha ku haray xikmaddii waa ka sii yaraanaysaa, maalin walba umadda horteeda ayay ku ceeboobayaan” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Sidoo kale Wasiirka Gaashanadhiga wuxuu ku eedeeyay mucaaradka inay la’yihiin ajende siyaasadeed oo ay umadda la horyimaadaan.

“Oday Waayeel kaarkiisa in ay xoqdaan ayay isku dayeen waxay sababtay saldhig booliis in ay weeararaan, haddana maamo weyn ayay keeneen, waxay dadka uga faa’idaysanayaan duruufta, umaddana kama xishoon, waxay la’yihiin ajende siyaasadeed oo ay umadda la horyimaadaan.” ayuu yiri Wasiir Fiqi

“Waxaan wadaynaa in aan kashifna ajende la’aantooda, siyaasad xumadooda iyo in aysan danta umadda ka shaqaynayn!” ayuu ku soo afjaray Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay Wasiirka Gaashaandhiga.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMWararka Maanta: Arbaco, May 21, 2025-Wasiir Fiqi "72 saacadood gudahood  waxaa Khawaarijta laga dilay in ka badan 120 xubnood oo horjoogayaal ku  jiraan"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -