Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee xukuumada Somalia Jibril Abdirashid Haji Abdi ayaa raali gelin ka bixiyey hadal uu jeediyey oo ku saabsanaaa inuu eheladiisa hoose siinayo shaqooyinka ka soo baxa Wasaaradiisa, hadalkaasoo caro badan iyo falcelin adag ay ka dhalatay.

Hadalkan ayuu ka sheegay wasiirka kulan Su’aalo weydiin ah oo uu la qaatay Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Advertisement

Wasiirka ayaa xusay in hadalkaas uu ku yimid caro uu ka qaaday su’aalo adag oo ay weydiiyeen guddiga intii uu kulanku socday, uuna ka bixinayo raali gelin buuxda.

“Waxaan Wasiir u ahay shacabka Soomaaliyeed oo dhan si siman, waxaana taas kaaga marag ah mudada sanadka ah ee aan Wasaarada joogo ma jiro hal qof oo shaqadiisa laga saaray dhamaan agaasimeyaashii iyo xoghayeyaashii aan ugu yimid ayaa weli shaqeeya” ayuu yiri Wasiirka.

Mar la weydiiyey 10 shaqaale oo laga ceyriyey heyadda tayo dhowrka Soomaaliyeed oo hoos tagta Wasaaradiisa, laguna bedelay kuwo kale ayuu wasiirka sheegay in isagoo dalka ka maqan shaqaalahaas la ceyriyey, uusana shaqo ku laheyn ceyrintooda, balse waxaa uu xusay in heyaddu u baahatay rag khubaro ah oo sheybaarka yaqaano sidaasna loo bedelay 10 shaqaale oo uu xusay iney ahaayeen shaqaale caadi ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Raisul Wasaaraha Somalia uu si weyn uga carooday hadalka Wasiirka uu ku sheegay in fursadaha shaqo ee soo baxa uu siinayo xigtadiisa.

Ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in Xamse Barre uu ku cadaadiyey Wasiirka inuu raali gelin ka bixiyo hadalkaas taasoo wasiirka ku qasabtay inuu mar kale la hadlo saxaafada dalabka Raisul Wasaarahana fuliyo.

Previous articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo Magaacabay Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya (Akhriso)
Next articleMagafahii ugu weynaa ee Soomaliga ahaa oo dalka Liubiya lagu qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here