Wasiir ku xigeenkii hore ee Awqaafta iyo arimaha Diinta Cumar Cali Rooble ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray wuxuu ku eedeeyay wiilka Madaxweyne Xasan iyo Xildhibaan Maxamed Cajiib inay dhul uu leeyahay ay ka burburiyeen.
Siyaasigaan oo dhanka kalana mucaaradka Dowlada ka mid ah ayaa carabka ku adeekayay in dhulkiisa uu ku xisaabtami doono marka waqtiga Dowlada uu dhamaado madaama sida uu sheegay awood Dowladeed lagu maquuniyay.
“Xasan Sheekh iyo Maxamed Cajiib waan is naqaan dhulkeyga ma degi karaan, Dowladda ay ku awood sheegayaan waxaa u harsan 4 Bilood” ayuu yiri Cumar Cali Rooble-
Hadaba halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka Wasiirka hore oo sidiisa u qoran:-
Ujeeddo: Cabasho ku Saabsan Dhul-Boob, Dulmi Siyaasadaysan iyo Weerar Habeenkii Xalay Lagusoo Qaaday Qoyskeyga
Aniga oo ah Wasiirkii hore Awqaafta iyo Arimaha Islaamka Dowladda Federaalka Soomaaliya ahna Muwaadin Soomaaliyeed oo muddo dheer u soo shaqeeyay Dalkiisa iyo Dadkiisa, waxaan waajib qaran u arkaa inaan si cad ula wadaago ummadda Soomaaliyeed xaaladda halista ah ee aniga iyo Shacabka masaakiinta ah maanta loo geysanayo, taas oo si joogta ah u muujinaysa Burburka ku yimid sharciga, Cadaaladda iyo ilaalinta Xuquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed.
Waxaan cadeynayaa in xalay abaara seddexdii habeenimo(03:00) inay weerar siyaasadeysaan isla markaana aan wax ruqsad maxkamadeed wadanin igusoo qaadeen ciidamada Booliisa-Meletaariya iyo kuwa madaxtooyada, kuwaas oo ka amar qaadanaya xildhibaan hore Maxamed Ibraahim Cali(Maxamed Cajiib) iyo C/qani Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiilka uu dhalay madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay burburiyeen guryahaygii iyo hantidii dhex taallay oo ku dhaw nus Milyan doolar (500 Kun dollar). Ciidamadaas waxay boob, bililiqo iyo burburin u geysteen dhammaan agabkii yaallay guryahaas, waxayna jir-dil xun u gaysteen mid ka mid ah awlaadeyda ayagoo cagta mariyey dhammaan guryaheygii halkaas ku yaallay oo dhammaan leh dukumiinti rasmi ah.
Arrintani ma aha muran ganacsi ama khilaaf shakhsiyeed, balse waa dhul-boob si toos ah loogu fulinayo awood dowladeed, laguna cabburinayo muwaadin u istaagay xaq-sheegid iyo difaaca masaakiinta, waxaana taas sii xoojiyay weerar qorsheysan oo xalay xilli dambe lagu qaaday qoyskeyga, taas oo halis gelisay nolosha carruurta iyo badbaadada qoys dhan, una muuqata farriin cabsi gelin ah oo la doonayo in lagu aamusiiyo qof ka hadlaya dulmiga jira, ayadoo ay xusid mudantahay in amarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hore laygugu afduubtay taariikhdamarkay ahayd 25/09/2025.
Muddo dheer ayaan si Rasmi ah uga soo horjeeday dhul-boobka sharci-darrada ah, Barakicinta, Bililiqada, Caburinta lagu haayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed, taas oo ah fal Dambiyeed Qaran oo si cad uga hor imaanayo Dustuurka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Waxaan halkaan mar kale Ummadda Soomaaliyeed ugu Cadeeynayaa in aanan marnaba ka aamusi Doonin Xaqa, aanan ka gaabsan doonin Dulmiga, isla markaana aanan ka Tanaasuli doonin Difaaca masaakiinta, maadaama haddii maanta qof xil Qaran soo qabtay la doonaayo in la boobo Hantidiisa, laguna Xadgudbo Ammaankiisa iyo Xuquuqdiisa ay taasi muujineeyso halista ku soo fool leh Muwaadin kasta oo aan lahayn Cod iyo cid Difaacda.
Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqayaa Golaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha Garsoorka, Hay’adaha Xuquuqul Aadamiga, Siyaasiyiinta, Culimada, Cuqaasha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in ay si Deg deg ah uga hortagaan dhul-boobka, barakicinta Shacabka Masaakiinta ah, iyo Weerarrada lagu hayo Qoysaska Rayidka ah ee Muqdish, Maadaama dowladnimadu ku dhisan tahay cadaalad, islamarkaana aysan sii jiri karin haddii lagu beddelo Nin-jecleysi, Eex Qabiil iyo dano gaar ah, anigoo aaminsan in maalinta sharcigu si dhab ah u shaqeeyo ay dhammaan kuwii ku Xadgudbay Xuquuqda Shacabka wajihi doonaan Caddaalad buuxda.

