Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sheegay in waaberigii hore ee saakay ay weerar kusoo qaadeen Gurigiisa oo kuyaalla Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Ciidamada dowladda noocyadooda kala duwan  iyo kuwa Koonfur galbeed.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Wasiir Fargeeti ayaa waxaa uu kuyiri” Waxaa saaka aroortii gurigeyga Baydhabo ku yaal weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federalka, NISA, Ciidanka Xooga SNA iyo darawiishta KG. Wilina dagaalka wuu socdaa.

Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhankeeda goor sii horreysay sheegtay in Ciidamada Amniga oo roondo ku jira ay kooxo burcad ah jidkooyo u dhigteen, iyaga oo rabay in amniga Qalqal geliyaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Baydhabo laga dareemayay xiisad dagaal oo u dhaxeeysay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed & kuwo la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaas oo didian muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here