GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirkii hore ee Dekedaha Puntland Cabdullahi Jaamac Saalax ayaa eedeyn culus u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamu Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Wasiirka hore wuxuu ku dhaliilay Xildhibaanada wadaniyad xumo iyo ka geynta Somaliweyn islamarkaana ay muuqato siyaasad aragti gaaban oo ay Xildhibaanada xiigaan jira wajahayaan.
“Waxaa nasiib daro in Baarlamanka Puntland xiligaan ay hor boodayaan fulinta Somali kala go’eeda, Puntland waxa ka muuqda siyaasad aragti gaaban oo qabow ku ah midnimada & jirtaanka umadda.” ayuu yiri Cabdullahi Jaamac Saalax
Hadalka Siyaasigaan ayaa ku soo aadaysa xili masuuliyiin reer Puntland ah maalmo ka hor heshiis amni la galeen Maamulka Somaliland oo 30 sano ka hor sheegtay inay Somali ka go’een iyagoona u aqoonsaday Dowlad ahaan xili ay talaabadaasi dad badan ka soo horjeesteen oo walibana ka fal-celiyeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
