HomeWarkiiWasiir iyo Xildhibaan si kulul ugu jawaabay odayaasha Beesha Habar-Gidir ee hanjabaada...

Wasiir iyo Xildhibaan si kulul ugu jawaabay odayaasha Beesha Habar-Gidir ee hanjabaada soo jeediyay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan C/raxmaan Odowaa iyo wasiiru Dowladaha Gaashaandhiga Somalia Cumar Cali Cabdi  ayaa si kulul uga jawaabay hadalo hanjabad u badnaa oo shalay ka soo yeeray odayaasal u dhashay  Beesha Habar-gidir oo ay xilalka Dowlada ku matalaaan masuuliyiintaan.

Odayaasha ayaa shalay ku hanjabay hadii mar kale dhul beesha Habar-gidir degabn tahay oo dhul Dowlo ah oo loogu yimaado ay dagaal kala hortagi doonaan Dowlada Somalia islamarkaana ay hubkooda la soo bixi doonaan,sidoo kale odayaashaan ayaa qaadacay ka qeybgalkooda doorashooyinka golaha deegaanka ee bisha danbe dalka ka dhacaya.

Wasiiru dowlaha Gaashandhigga Somalia Cumar Cali Cabdi  oo ka hadlayay warka odayaashaani ayaa si cad u sheegay amniga ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowlada islamarkaana uusan jirin shaqsi ama qabiil hub soo qaadan kara.

“Waa la hanjabi karaa laakiin ma jirto qabiil iyo cid hub soo qaadan karto,Hay’adaha Amniga ayaa gacanta ku haya amniga caasimada” ayuu yiri Cumar Cali Cabdi Wasiiru dowlaha Gaashandhigga .

Sidoo kale Xildhibaan Odowaa ayaa isna daboolka qaaday in xilalka Amniga ee Dowlada oo dhanba inay gacanta ugu jiraan saraakiil ku heyb ah odayaasha hadlay ee beesha Haba gidir.

“yaa amniga Muqdisho ka taliya , beesha aad sheegteen rag u dhashay ayaa ka taliya amniga caasimada ,mana jirto wax dhib ah oo beeshu qabto”ayuu yiri Xildhibaan Odowaa

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -