Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Somalia C/qaadir Maxamed Nuur ayaa bartiisa Facebook saaka ku soo qorey qormo uu ugu magac daray Dalka Laba mashruuc ayaa ka socoto isagoona ku kala sharaxay mashquuc Qaran iyo Mid shisheeye wato.
Hadaba qoraalka Wasiir Jaamac oo sidiisa u qoran halkaan kaga bogo:-
Dalka Laba mashruuc ayaa ka socoto.
1)- Mashruuc Dowlado Shisheeye ay wataan oo lagu hagardaaminaayo dhamaan himilooyinka Qaranka oo ay ka mid yihiin, horumarinta dhaqaalaha, dhameestirka Dastuurka, Amniga Qaranka iyo Doorashada qof iyo cod.
2)- Mashruuc Qaran oo lagu xaqiijinaayo himilooyinka Shacabkeena ay mudada ku taamayeen sida xaqiijinta Amniga iyo la dagaalanka khawaarijta, la soo bixi da Shidaalka, kaluunka, dhismaha Satelliteka, dhawestirka dastuurka iyo doorasho Shacabka awooda loo celinaayo.
Shacabku waa iney isha ku haayaan dadka ilinta yaxaaska iska keenaayo.
Maalin wanaagsan.
