HomeWarkiiWasiir Jaamac oo digniin culus u direy siyaasiyiinta ka hoos shaqeeya...

Wasiir Jaamac oo digniin culus u direy siyaasiyiinta ka hoos shaqeeya Laftagareen

MUQDISHO  (DAYNIILE.COM)- Wasiirka Dekadaha Xukuumada Somalia C/qaadir Maxamed Nuur oo loo garan ogyahay  Wasiir Jaamac ayaa digniin culus wuxuu baraha bulshada u marsiiyay siyaasiyiinta ka hoos shaqeeya Madaxweynaha Maamulka Koofurgalbeed C.casiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Wasiir Jaamac wuxuu sheegay in sanadku yahay 2026 aysana jirin dhalinyaro maanta la qaldi karo,wuxuu xusay in Laftagareen maanta uusan gacanta ku heyn xitaa hal degmo oo Koofurgalbeed ka tirsan.

“Reer Koofurgalbeed waa hadleen ficilna way sameeyeen, hal degmo oo maanta duqaas gacantiisa ku hartey ma jirto marka Xaafadda uu ka deganyahay Baydhabo laga reebo, iyadana mar dhow waa laysugu imaanaa” ayuu yiri Wasiir Jaamac

Wasiirka Dekaladaha wuxuu si gaar ah ula hadlay saaxiibada Laftagareen isagoona u sheegay hada in dalku aaday doorasho iyo qof iyo cod ah.

“Siyaasiyiinta tirada yar ee taageersan Duqa hadii ay u maleeyaan inuu Xildhibaan KGS ka soo qori rabo waxaan leeyahay, sanadku waa 2026 dalku doorasho qof iyo cod ayuu aadey” ayuu mar kale yiri

C/qaadir Maxamed Nuur wuxuu ugu baaqay saaxiibada Laftagareen inay dadkooda dhinac ka raacaan isagoona uga digay in beri laftagareen meel cidla ah uga tagi doono oo xitaa uusan u sheegi doonin inuu baxayo.

“Weli waxaad heysatiin fursad aad dadkiina ku soo raacdaan, hadaad diidaan Duqaas diyaarad ayuu idinka raacaa sidii markuu Jidda ka soo tagaayey mana idin sheegi doono. Toloow maxaa ummada la soo hor fariisan doontaan markey halkaas taagantaay” ayuu yiri Wasiir Jaamac

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -