HomeWarkiiWasiir Jaamac oo hadalada Mucaaradka ku tilmamay weerar Madaxweyne oo loo soo...

Wasiir Jaamac oo hadalada Mucaaradka ku tilmamay weerar Madaxweyne oo loo soo qeybshay

Wasiirka Dekadaha Somalia C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa si weyn u difaacay weerar dhanka afka ah oo mucaaradku ku soo qaadeen Madaxweynaha somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiri Jaamac wuxuu sheegay in hadalada maalmahaan mid mar ka soo baxayo siyaasiyiinta mucaaradka inuu yahay mid loo soo qeybashay oo ay dhamaantood Madaxweynaha ku afagaadeynayaan sida uu warka u dhigay.

Qoraalka Wasiir Jaamac oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

khudbadaha mucaaradku soo qeybsadey oo sida jadwaleysan loo baahinaayo, qofba maalin hadlaayo, waxaa ka muuqdo hinaase, quuri-waa, ijaafeyn iyo aragti la’aan.
Waxaa laga baxay akhlaaqdii siyaasadda iyo af-gobaadsigi soomaalinimada.
Aflagaadeynta madaxweynaha qaranka ee loo la bareeray waxaa dheer mida garaadka iyo caqliga ummada Soomaaliyeed loo geysanaayo.
Waxaan markhaati ka ahay in mudane madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay waayo-arag xilkas ah, oo horumarinta danaha qaranka ku dhiirran, diyaarna u ah in uu qarannimada u dakanoobo si adagna u difaaco.
Waxa la hagardaameyno waa doorashada qof iyo cadka ah oo waqti dheer aheyd himilo muwaadiniinta soomaaliyeed ku taamayeen, waxa la carqaladeynayo waa shidaalka iyo khayraadka aan waqti dhaw la soo bixi doonno, waxa dambiga looga dhigaayo madaxwaynaha waa dhowrista midnimada dalka iyo ka hortagga kala goyntiisa, waxa laga beensheegaayo waa dagaalka aanan maalinna istaagin ee madaxwaynuhu hoggaaminaayo laguna ciribtiraayo argagixisada.
Waxaa noo muuqdo rajo wanaagsan, amni iyo barwaaqo uu garwadeen ka yahay Birmade Dr Xasan Sheekh Maxamuud.
Odayaasha aan xog’ogaalka moodeynay balse xasarad abuurka noqday waxaan leeyahay halkii uu Gaarriye oran jiray:
“HADAAN GUGA KUU KORDHAA.
GABOW MOOYEE KU TARIN.
GARAAD IYO WAAYO ARAG
ILLAYN WAX MA DHAANTID GEED.”
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -