HomeWarkiiWasiir Jaamac oo jawaab culus siiyay Cusman Dubbe

Wasiir Jaamac oo jawaab culus siiyay Cusman Dubbe

Wasiirka Dekaha Somalia C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa qoraal uu soo geliyay baraha bulshada wuxuu ugu jawaabay hadalo maalmihii ugu danbeeyay ka soo baxayay Siyaasiga Cusmaan Dube oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Soomaaliya islamarkaana dhawaan iska casilay xubin Xildhibaan Aqalka sare ee Dowlada Somalia wuxuna iska dhiibay Hargeysa-Somaliland.

Cusmaan Dube hadaladii ugu adkaa ee beenta ahaa uu ka sheegay Magaalada Muqdisho oo mudo uu ku noolaa kana shaqeysan jirey waxaa laga xusi karaa in Xamar ay go’doon ugu jirto Alshabaab islamarkaana amni uusan ka jirin Muqdisho.

Wasiir Jaamac oo si adag uga jawaabayay hadalka Cusmaan Dube wuxuu xusay in Cusmaan Dubbe Muqdisho laga maamuusay sidoo kalana xil iyo hantida laga siiyay.

“Duboow Moqdisho waa lagaa maamuusey wixii xil iyo xoolo yaaleyna waa lagaa siiyey sharaf iyo karaamana waa lagaaga haayey”ayuu yiri Wasiir Jaamac

Sidoo klale Wasiirka wuxuu xusay in Cusmaan Dubbe aflagaado u geystay Madaxda Qaranka Soomaaliya iyo ilmahooda.

“Bal waxaasoo been, caay iyo aflagaado aad Madaxda Qaranka, Ilmahooda iyo Ummadda Soomaaliyeed u geysatey, Reer Waqooyi Galbed Xilal iyo Xoolo hakugu siiyaan” ayuu mar kale yiri Wasiir Jaamac

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -