Qoraal uu goor dhaw oo caawa ah barihiisa bulshada soo dhigay Wasiirka Dekadaha C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayuu jawaab culus wuxuu kaga bixiyay wararka sacadihii ugu dambeyay la hadal hayay ee ah in Xildhibaanada mucaaradku wadaan mooshin ka dhan ah Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.
Wasir Jaamac wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in 4 qofood wax ay wadaan aysan ku baxeyn xukuumada dan qaran sida uu warka u dhigay.
“haday wax hayaan may golaha shacabka hor keenaan maxay facebook iyo Twiter u wareejinayaan”ayuu yiri Wasiir Jaamac
Qoraalka Wasiirka oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Xukuumada Dan-Qaran 4 qof buuqooda mid ku baxeyso ma ahanee maad hadaad wax heysaan Golaha Shacabka BJFS maad keentaan? Maxaa Facebook iyo Twitter ( X) kala doonteen buuqiina, aleen baraha Bulshada mooshin lama keene?
Qaylada ka socoto baraha Bulshada Shacabkaa ku filan iney ka jawaabaan, anaga waa u iftiimineynaa keliya, sababtuna waa tabar la’aan Mucaaradka heysato hadey tabar haayaan fagaaraha Baarlamaanka ayey la sugi lahaayeen.
Dan-Qaran Shacabkaa iska leh.
