Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumada Somalia C/qaadir Maxamed Nuur oo ku magac dheer Wasiir Jaamac ayaa wareysi uu siiyay TV-ga Universal wuxuu kaga jawaabay su’aalo ay ka mid yihiin wararka sheegaya inuu u sharaxan yahay Madaxweynaha Maamulka Koofurgalbeed iyo su’aalo kale.
Sidoo kale Wasiirka wuxuu weerar afka ku qaaday Laftagareen isagoo sheegay inuu yahay siyaasi fuley ah oo marar dhowr ah dalbaday in xilka laga qaado isaga
“Laftagareen waa siyaasi fuley ah oo xilka hayntiisu dhib ku hayey,dhowr mar ayuu dalbaday in aniga xilka la iga qaado,Taliye Shub wuxuu gadayaa afkaar fidno ah oo dadka lagu kala fidnaynaayo, Aniga inta meel soo istaagay Musharax ma ihi, iyo waa ahay wali ma dhihin” ayuu yiri Wasiir Jaamac
