HomeWarkiiWasiir Jaamac oo sheegay in Mucaaradku hub geysteen Xeebta Liido

Wasiir Jaamac oo sheegay in Mucaaradku hub geysteen Xeebta Liido

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa weerar afla ah mar kale ku qaaday mucaaradka Dowlada ee Muqdisho ku sugan isagoona si gaar ah uga hadlay banaan baxa ay mucaraadku rabaan inay ku qabtaan Muqdisho.
“Qoladii Beerka iyo kelida ariga Ajaanibtii xariga u heysey waxay ku xujeeyeen iyagoon Xamar xabad ka ridin in qarashka harsan loo soo fasaxeynin” auu yiri Wasiir Jaamac oo qoraal soo dhigay barihiisa bulshada
Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay mucaaradka inay hub la soo aadeen meelaha sida uu sheegay damaashaadka loo aado,.
“Markaasaa waxay qoryo la soo aadeen magaalada meelihii loo soo damaashaad tageeyey oo ay ugu horeyso xeebta liido” ayuu mar kale yiri Wasiirka
Dhanka kale wuxuu u gar dhigtay shacabka reer Muqdisho xili uu mucaaradka ku tilmaamay cadow neceb horumarka Shacabka Muqdisho
“Bal shacabkeygiyoow nimankaas maxaan ku tilmaanaa! Alla nimanku cadowsanaa oo horumarka Shacabka Muqdisho nebcaa!” ayuu ku soo afjaray qoraalkiisa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -