Wasiirka Dekadaha Somalia C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa maanta qoraal uu soo dhigay Facebook wuxuu ku weeraray Madaxweyaha Maamulka Koofur-Galbeed.
Wasiir Jaamac wuxuu ugu goodiyay Laftagareen inuu xukunka ka tagi doono isagoo gacmaha dhiig ku leh.
“Nin Qarankiisa iyo Dowladiisa Khawaarij ku tilmaamey ciduu matalo lama arkee Ilmaha xaabo haka dhigan, mar hadaad heerkaan soo gaartey waxaa xaqiiqo ah in xukunka KGS adoo gacmaha dhiig ku leh ka soconeysid”ayuu yiri Wasiir Jaamac
Dhanka kale waxaa isna baraha bulshada ugu jawaabay Xildhibaan Xasan Cabdi-Nuur kaasoo Wasiirka ku tilmaamay Alshbaaab hore inuu yahay
“Adigoo Kamid Ahaa Ilmihii Qawaariijta iyo Qarax Maleegayaashii Shaley Miyaa Qaranimo Ka Sheekeyn Kara”ayuu yiri Xildhibaan Xassan Cabdi Nuur
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

WAXAAD QAADI KARTIT AYAAN FIIRINAA ???
ANIGA MADXWEEYNAHA KOONFUR GALBEED AYAAN AHAY EE SOO SOCO WAXAAD KA HESHID AYAAD LEEDAHAY CABDULQAADIROW WAA KAA WAR SUGEEYNAAN WAXAAD QAADI KARTIT AYAAN FIIRINAA: