HomeWarkiiWasiir Jaamac oo u jawaabay Farmaajo

Wasiir Jaamac oo u jawaabay Farmaajo

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Somalia C.qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ugu jawaabay wareysi Farmaajo lala yeeshay oo uu ku weeraray Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa sheegay in Madaxeweyne Xasan waxba ka aqoon siyaasada gudaha iyo dibada intaba islamarkaana 2017-dii markii uu xukunka kala wareegayay uu ka tagin xitaa hal bahaar oo hub uu ku jiro,sidoo kale wuxuu xusay in Xasan ka tagay ciidamo Somaliyeed oo aan habeysneyn islamarkana aan wax mushaar ah qaadan.

“Duqii Farmaaja ahaa caayda Birmadaha la caayo muu rabaa inuu Doorasho ku galo, wareysi kale halaga qaado uu doorasho nagula galo” ayuu yiri Wasiir Jaamac

Wasiir Jaamac ama Wasiir Madaxa na furan ayaa ka mid ah wasiirada m,ar kasta mucaaradka u jawaaba marka ay Dowlada ama Madaxweynaha wax ka sheegaan.\

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -