HomeWarkiiWasiir Jaamac oo u jawaabay Xildhibaan C/raxman C/shukuur

Wasiir Jaamac oo u jawaabay Xildhibaan C/raxman C/shukuur

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-C/Raxmaan C/shukuur ayaa qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu kaga hadlay banaanbixii maanta ee ka baaqday Mucaaradka uu isagu ka tirsan yahay, wuxuu sheegay in 9 bari dib loo dhigay codsi ka yimid qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo xunbo ka tirsan bulshada rayadka ah sida uu warka u dhigay.

Xil.C/raxmaan C/shukuur wuxuu tilmaamay banaanbaxa uu yahay xaq dastuuri ah oo xumaan lagu diido ama wanaag lagu taageero.

“Taariikhdu waxay ina tusinaysaa in dulmiga, naxariis la’aanta iyo musuqmaasuqu ay bataan marka dadka waxgalka ahi ay indhaha ka laabtaan tacaddiga ay madaxdu falayso”ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur

Dhanka kale Wasiirka Dekadaha C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa qoraal uu kaga jawaabayo midka C/raxmaan C/shukuur wuxuu isna soo geliyay barihiisa bulshada.

Wasiir Jaamac wuxuu qoraalkiisa ku xusay in banaan-baxa uu yahay xaq dastuuri ah sidoo kalana  wuxuu sheegay inayu xaq dastuuri ah tahay in dadku doortaan madaxdooda balse Mucaaradku kaliya qaateen kan banaan-baxa.

“Banaanbax nabadeed oo habraac sharci loo maro waa dastuuri qodobkaas waa arkaan saaxiibadeeda mucaaradka, Xuquuqdii ka muhiimsaneed ee ahayd in dadku xaq u leeyihiin iney doortaan madaxdooda maxaa diidey iney arkaan, isla Dastuurka ayuu ku qorantahay ileen, Weliba maxaa la isgugu dayaayaa in hor istaag lagu sameeyo iney shacabku xaqooda dastuuriga ah isticmaalaan?

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -