HomeWarkiiWasiir Jaamac "Reer Boorama hadey ku qanci waayeen afkaarta kala geynta Soomaalida...

Wasiir Jaamac “Reer Boorama hadey ku qanci waayeen afkaarta kala geynta Soomaalida xoog, dil, iyo barakicin waa arin aan horey loo mahdin”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Dekadaha Somalia C/qaadir Maxamed Nuur  oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa ka hadlay xiisada ka dhex taagan Maamulka Somaliland iyo shacabka reer Boorama, isagoona ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay.

Wasiirka wuxuu sheegay in shacab lagu qasbo wax aysan rabin aan hore loo mahdin islamarkaana natiijadeedana iyo meesha ay ku dhamaaneysana la yaqaano.

“Reer Boorama waxay xaq u leeyihiin iney muujiyaan rabitaankooda, hadey ku qanci waayeen afkaarta kala geynta Soomaalida xoog, dil, barakicin iyo qori caaradiisa in lagu maquuniyo waa arin aan horey loo mahdin natiijadeedana iyo meesha ay ku dhamaaneysana la yaqaano”ayuu yiri Wasiir Jamac

Dhanka kale Wasiir Jaamac wuxuu u soo jeediyay maamulka Somaliland ineysan shacabka u quurin wax iyagaba loo quurin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -