HomeWarkiiWasiir Jaamac "Somalia waxay u gudbaysaa marxalad cusub oo ay si buuxda...

Wasiir Jaamac “Somalia waxay u gudbaysaa marxalad cusub oo ay si buuxda mas’uul uga tahay maamulka, ilaalinta, iyo horumarinta arrimaha baddeeda”

Wasiirka Dekedaha Somalia C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa sheegay inuu ka qeybgalay furitaanka kalfadhiga 34-aad ee Golaha Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO).

Wasiirka wuxuu sheegay in Soomaaliya gashay bog cusub, islamarkaana  ka tallaabayso caqabadihii hore ee dhinaca badaha.

“Somaaliya waxay u gudbaysaa marxalad cusub oo ay si buuxda mas’uul uga tahay maamulka, ilaalinta, iyo horumarinta arrimaha baddeeda”ayuu yiri Wasiir Jaamac

Si kastaba qoraal Wasiirku shaaciyay ayaa sidan u qornaa:-

Madashani waa goob ay dalalka xubnaha ka ah ku muujiyaan wadajir iyo iskaashi lagu xaqiijinayo bad ammaan ah, nadiif ah, dhaqaale ganacsi oo hufan leh, iyo nidaam badeed oo casri ah oo si wanaagsan u shaqeeya.

Wasaarad ahaan, waxaan ku jirnaa dib-u-habeyn ballaaran oo aan ku casriyeynayno nidaamka gaadiidka badda, korna loogu qaadayo hufnaanta hawlaha, lagu xoojinayo maamulka badaha, isla markaana lagu horumarinayo kaabeyaasha muhiimka ah ee dekedaha dalka.

Soomaaliya maanta waxay gashay bog cusub, waxay ka tallaabaysaa caqabadihii hore ee dhinaca badaha, waxayna u gudbaysaa marxalad cusub oo ay si buuxda mas’uul uga tahay maamulka, ilaalinta, iyo horumarinta arrimaha baddeeda.

Xukuumadda Dan-qaran waxaa ka go’an ka miro-dhalinta iyo wada shaqeynta nagala dhexeeysa IMO iyo dalalka xubnaha ka ah, iyo in aan si wadajir ah u dhisno mustaqbal badeed oo ammaan ah, amni leh, hufan, isla markaana barwaaqo u horseeda dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -