HomeWarkiiWasiir Jaamac "Xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya oo ku bilowdey gargaar...

Wasiir Jaamac “Xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya oo ku bilowdey gargaar bani’aadamnimo, maanta wuxuu isu beddelay iskaashi ballaaran oo qoto dheer”

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadidika badda Dowlada Somalia C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa ka sheekeeyay xiriirka Turkiga iyo Somalia sida uu ku bilowday iyo halka uu maanta marayo.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay barihiisa bulshada oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya oo 2011-kii ku bilowdey gargaar bani’aadamnimo, maanta wuxuu isu beddelay iskaashi ballaaran oo qoto dheer, kuna salaysan dano istiraatiiji ah.

Iskaashigan wuxuu taabanayaa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin: difaaca iyo ammaanka, iskaashi dhaqaale, horumarinta tamarta, kalluumeysiga, tiknoolajiyadda casriga ah, dayax-gacmeedyada, iyo maalgelinta kaabayaasha dhaqaale oo dhammaantood saldhig u ah mustaqbal waara. Sida ay walaalaheenna Turkigu dhahaan: xaggee laga soo bilaabay, xaggeese la gaaray!May be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -