MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaare xigeenka 1-aad Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore ee Ganacsiga Maxamuud Axmad Aadan (Geesood) iyo Wasiirka cusub Jamaal Maxamed Xasan.
Wasiirkii hore ee Ganacsiga Maxamuud Axmad Aadan (Geesood) ayaa xilka wareejinta wuxuu ka jeediyay hadalo kooban, isagoona cadeeyay in xilku meert yahay ama qori isku dhiib.
“Xilka waa qori isku dhiib Dimuquraadiyadda ayayna ka mid tahay, Wasiir Jamaalna waa aqoonyahan dowlad yaqaan ah.” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Ganacsiga Mr. Geesood
“Maanta waxaan si rasmi ah xilka ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan Geesood, aniga oo ku bogaadinaya shaqadii uu ka qabtay wasaaradda muddadii uu xilka hayay” ayuu yiri Wasiir Jamaal Xassan
Sidoo kale Wasiir Jamaal wuxuu madaxda dalka uga mahad celiyay fursada mar kale loo siiyay inuu u adeego qaranka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM









