HomeWarkiiWasiir Juxaa “Xasan Sheekh isagaa ku tuntay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, mana...

Wasiir Juxaa “Xasan Sheekh isagaa ku tuntay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, mana uu heysto sharcyad uu ku dhaqan geliyo NIRA iyo E-visa”

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha gudaha maamulka Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xassan iyo Dowlada uu hogaaminayo inay ku laashay ama ku tumatay dastuurkii ay Soomaalidu heshiiska ku ahaa.

Wasiir Juxa oo soo hadal qaaday labada mashruuc ee hada sida weyn loo hadal hayo inay Dowladu dhaqan geliso sida E-visa iyo kaarka aqoonsiga Somalinimo ee loo xil saaray NIRA ayuu carabka ku adkeeyay in Dowlada Madaxweyne Xassan aysan dhaqan gelin karin.

“Xasan Sheekh isagaa ku tuntay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, mana uu heysto sharcyad uu ku dhaqan geliyo NIRA iyo E-visa” ayuu yiri wasiir Juxa

Sidoo kale Wasiir Juxaa wuxuu ku dhaliilay Madaxweyne Xassan in arinta  kaarka aqoonsiga Somalinimo ee NIRA iyo E-visa  uu ugu gabanayaa islamarkaana uu daba socdaa sharcigii 1962-kii ee jinsiyada Somalinimo,wasiirka wuxuu tilmaamay in hada uu doonayo Xassan Sheekh inuu badalo.

Wasiirka dhaliisha marka laga soo tago ma uusan soo bandhigin cadeymo muujinaya eedaha uu u jeediyay Dowlada Faderaalka Soomaaliya, mana aha markii uu eedeymo sidaan oo kale ah uu u jeediyo.

 XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

Wararka Maanta: Isniin, Dec 18, 2023-Wasiir Juxa: “Xasan Sheikh Maxamuud  wuu diiday inuu nala hadlo, siddeeda January ayuu qabsaday

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -