. Maanta oo ay tahay Jumca barakaysan, taarikhduna tahay 5tii bisha labaad ee sannadka 2021, waxa madaxdii dalku ku shirsantahay magaalada Duusamarreeb. Danta dalka iyo dadkeenna ayey ka malaysanyaan.

Shirkaas oo maalmo socday waxaa aan giddigeen ulanaynnaa, eemammaynaynnaa, u hanqaltaageennaa waxa ka soo bixi doona. Waxa aan ku ducaynaynnaa in is-afgarad waaraa ka soo baxo kaas oo siyaasadsa doorashooyinka hagi doona in shaa Allah.

Heestan: RAASAMMAAL, waxa ay tilmmaamaysaa in shirkanay waafaqsanyahay habkii weligeedba Soomaalidu geedka hoostiisa talada intay ramiyaan, oo ay ku raagaan, reerka ugu arrimin jirtay.

Waa tan Heestii Raasammaal
Dr. Abdirahman Beileh
February 5th, 2021

Rag markay fadhiistaan
Markay ruugga aastaan
Raxan raxan u doodaan
Raamaha isgeliyaan

Sidanay ku roontahayiyo
Malaha teer kalaa roon
Ra’ayigeygan ila eeg iyo
Markay talada ruugaan

Hadbba dhinac ka riixaan
Rabaqrabaqda fiidkii
Racasftoonka subaxdii
isla wada rafaadaan
Rogrogaan ummuuraha

Wixii riiqi jirey abidiyo
Dannigooda reebaan
Geed sare ku raaraan
Danta guud ka raacaan
Murtidooda ramiyaan
Rabbi talada saartaan

Markaasaa Rabaaxoow
Nabad loo riyaaqiyo
Rayrayni dhalataa
Dadka dhinac ka raacdaa

Rag markay malaystaan
Odayadu ramaaskoodiyo
Rummaygooda qaataan
Maalmmo isku raagaan

Markay talo ragaadnneyd
Ricidhaha u saaraan
Raadcada ku daalaan
Sida Ramadka geeloo
Ransanaaya ubadkii
Gocashada la reemaan

Markasasaa Rabaaxoow
Rays lagu nagaadiyo
Rayrayni dhalataa
Dunida dhinac ka raacdaa

Rag markuu garwaagsado
inay beeni raad malehe
Runta ugu abtiriyaan
Raadkeeda qaadaan
Markaasaa Rabaaxoow
Talo Raasammaal badaniyo
Rayrayn la gaadhaa
Reer loogu taliyaa.

W/Q: Wasiir Abdirahman Dualeh Beileh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here