MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiiru Dowlada Gaashaandhiga Cumar Cali oo xildhibaana ah ayaa mar uu warbaahinta la hadlayay shalay wuxuu si dad-ban ugu hanjabay xildhibaanada mucaaradka ee inta badan Gudoonka Baarlamaanka ka hor istaaga ajandayaasha ay madaxtooyada wadato kaasoo ay doonayaan inay marsiiyaan labada aqal ee Baarlamaanada Somalia.
Wasiirka ayaa diaacay Xukuumada uu ka tirsan wuxuuna si cad u sheegay in Hay’adaha amaanka hadii ay yihiin aysan maraba gacmaha ka laaban doonin xildhibaanada buuqa abuura sida shalay dhacday oo kale.
Mar wax laga weydiiyay askarta Booliika sababti shalay loo keenay ayuu sheegay inay amniga u xilsaaran yihiin islamarkaana la ganaaxi doono hada kadib xildhibaankii fowda sameeya sida uu warka u dhigay.
“sideedaba baarlamaanka waxaa lagu kala baxaa cod ee firinbi ma shaqeeyo” ayuu yir wasiiru Dowlada Gaashaandhiga
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
