C/shukuur Shaashaa oo ah Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Maamulka Hirshabelle ayaa si weyn weerar afka ah ugu qaaday Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi.
Wasiir Shaahaa wuxuu sheegay in Taliye Macalin Mahdi markii uu Alshabaab ahaa iyo hada uu madax u yahay Booliiska labada jeerba inuu beegsanayay beesha Jareer-weyne sida uu warka u dhigay Wasiir Shaashaa.
“ Taliye Macalin Mahdi wuxuu qabaa isir nacayb beesha jareerweyne ah, markii uu Alshabaab ahaa Jareerta ayuu beegsan jiray hadda uu Boliska yahay wuxuu si aad ah u beegsadaa isla jareertii “ayuu yiri Wasiir Shaashaa
Masuulkaan oo ka carooday dhalinyaro Beesha Jareer-weyne ah oo uu soo xirey Macalin Mahdi kuwasoo ku eedeeysan inay aflagaadeeyeen Madaxweyne Xassan ayaa dhanka kalana Madaxweynaha laftigiisa eedeyn ba’an u jeediyay.
Wasiir Shaashaa wuxuu sheegay in dhalinyaradu inay Madaxweyne Xassan caayaan uu sabab u yahay madaxweynaha laftigiisa madaama uu sida uu sheegay uu ku kacay falal dhul boob ah.
“Madaxweyne Xassan in la caayo isagaa kasbaday sababtoo ah isagaa xaraashtay dhulkii danta guud, isagaa Dowladiisu tahay Dowlad musuq maasuq, isagay dowladiisu tahay Dowlad cadaalada ka fog,isagay Dowladiisu tahay mid dadka beegsata,masaakiinta iyo danyartana u daran”ayuu yiri Wasiir Shaashaa
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
