MANDERA (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Kipchumba Murkomen, iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Mandera oo ka mid ah deegaanada Soomaalida Kenya ay degaaan walibana ku yaal xuduud beeneedka Somalia iyo Kenya.
Wasiirkaan oo socdaalkiisu ku soo aadayo xili ciidamada Maamulka Jubaland wali ku sugan yihiin Mandera ayaa hadana wararka aan heleyno waxay sheegayaan inuu Mandera klaga qeybgeli doono shir amniga looga hadlayo walina ma cada in arinta ciidamada Jubaland lagu soo qaadi doono shirkaani.
Kulankaan waxaa ka qeybqadan doona saraakiil ciidanm,masuuliyiinta Mandera iyo wafdiga Wasiirka uu horkacayo waxaana diiradda lagu saarayaa sida xogtu sheegeyso xoojinta amniga taasoo cadeyn u ah inay soo geli doonto sida laga yeelayo ciidamada maamulka Jubaland ee dhinac ka jooga Magaladaasi xili dadka deegaanku marar badan banaan bax ay dhigeen ay ku cadeeyeen sida ay uga soo horjeedaan.
Sidoo kale shirkaan waxaa looga hadli doonaa wada shaqeynta bulshada iyo amniga guud ee gobolka Waqooyi Bari gaar ahaan Mandera oo la ogyahay inay xuduud la leedahay Dalalkeena Soomaaliya iyo Itoobiya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM




