Wasiir ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo goor dhow lagu dilay Magaalada Jowhar

0

Wasiir ku-xigeenkii arrimaha diinta iyo awqaafta ee dowlad goboleedka Hirshabelle Nuur Xaashi Warsame ayaa goor dhow oo caawa fiidnimadii ah lagu dilay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Sida ay Allbanaadir Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle dilka Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa geystay dabley bastoolado ku hubeysan oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday.

Marxuum Nuur Xaashi Warsame ayaa sidoo ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hirshabelle, waxaana weli soo baxaya faahfaahinta dilka wasiir ku-xigeenka caawa loogu geystay Magaalada Jowhar.

La soco wixii soo kordha

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here