HomeWarkiiWasiir ka tirsan Puntland oo Dowlada Somalia ka codsaday inay u fasaxdo...

Wasiir ka tirsan Puntland oo Dowlada Somalia ka codsaday inay u fasaxdo mashaariicdii laga xanibay

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland ayaa warbaahinta ka soo muuqday isagoo u hadlaya si ka duwan sidii lagu yaqaanay masuuliyiinta Maamulkaasi oo hore loogu bartay inay Dowlada si toos ah iyo si dab-ban uga horyimaadaan.

Wasiirkaan oo ah Wasiirta tamarta Liibaan Muuse Boqor ayaa si rasmi ah wuxuu Dowlada Somalia uga dalbaday in wax laga badalo sidii hore xaalku u ahaa islamarkaana Dowladu u fasaxdo Maamulkaasi mashaariicdii hore uga baaqatay oo Puntland diiday ama Dowladu xanibtay.

Wasiir Liibaan Muuse Boqor wuxuu Sidoo kale xusay inay badatay baahida sidaas daraadeed loo baahan yahay in  Puntland iyo Dowlada Faderaalka iskaashtaan sida uu warka u dhigay.

“waxaan rabnaa in anaga oo Puntland ah iyo Dowlada Faderaalka inaan iskaashano islamarkaana aan ka wada shaqeyno mashaariicdii baaqatay”ayuu yiri Wasiir Liibaan Musue Boqor

Hadalka wasiirkaan ayaa ku soo aadaya xili sanadihii ugu danbeeyay labada dhinac uu ka dhex taagnaa khilaaf aad u adag oo sababay in dhanka Puntland inta badan ay ka soo baxaan hadalo xanaf leh.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMMay be an image of 6 people and dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -