Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS waxaa ay ku wargalineysaa dadka degan dhulka war-laliska Radiomuqdisho ee ku yaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir in ay uga guuraan sida ugu dhaqsiyaha Badan.

Maamulka gobolka Banaadir iyo degmada Dayniile iyo taliska qaybta guud ee Booliska ayey wasaaradda ka codsatay in doorkooda ay ka qaataan sidii loo baneyn lahaa dhulka war-laliska Radiomuqdisho ee degmada Dayniile oo baahi degdeg ah u qabto wasaaradda.

Sikastaba ha ahaate dhulkaan ayaa ah mid ay leeyihiin shacab inkastoo horey u ahaa dan guud balse Iska lahaayeen dadka dega deeganka dayniile ayaa waxaa muuqata in dhac iyo boob loo geysan rabo iyadoo loo isticmaalaya awoodda dowladnimada waana arrin halis ku ah dowladnimada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here