HomeWarkiiWasiir Kenyaati ah oo beeniyay in ciidamo Jubaland ka tirsan ku sugan...

Wasiir Kenyaati ah oo beeniyay in ciidamo Jubaland ka tirsan ku sugan yihiin Mandera

MANDERA (DAYNIILE.COM)-Ismaamulka Mandera ee hoos taga Dowlada Kenya waxaa laga soo sheegayaa inuu wali halkaasi ka jiro xiisad ka dhalatay ciidamada maamulka Jubland ee ku sugan Mandera kuwaasoo dhinac ka degan magaaladaani tan iyo markii Balad-xaawo laga soo ertay.

Wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa ka hadlay cabashada ka soo yeereysa bulshada Mandera kaaso ay ku dalbanayaan in ciidamada Axmed Madoobe laga saaaro Mandera, wasiirka wuxuu sheegay ineysan ogeyn ciidan Jubaland oo Mandera ku sugan balse ay hada baarayaan jiritaanka warkaasi.

“ma jirto wax cadeyn ah oo muujinaya in ciidamada Jubaland gudaha usoo galeen Mandera balse waan baareynaa hadey jirto” ayuu yiri Wasiirka arimaha gudaha

Wasiirka wuxuu intaasi ku daray in hadii uurun noqdo warkaasi ay qaadi doonaan talaabo ay Mandera kaga saarayaan.

Dhanka kale masuuliyiinta mamukka Mandera ayaa dhankooda waxay ka digayaan sii joogitaanka ciidamada Axmed Madoobe iyagoo shaaciyay in xaalad adag ku jiraan islamarkana qaar iskuulada ka mid ah la xirey oo ay istaageen waxbarashadii caruurta ee halkaasi ka soocotay sababo ay ku sheegeen amni xumida ay soo kordhiyeen ciidamada Axmed Madoobe.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMOpen photo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -