Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa noqotay Wasiirkii u horreeyay ee Xukuumadda oo garab istaag buuxa u muujisa Agaasimaha KMG NISA ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sawir iyo qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook ku soo qortay ayaa u qornaa sidan “HADDII UU-LAYAAB LAHEYN XILDHIBAANKA REER HEBELO DHEXDHEXAADIYA AH HADDO ANIGANA LEYGULAMA YAABI-DOONO BERIGA”

Qoraalkan ayaa u muuqday mid duur xul ah oo ku socday Xildhibaan C/shakuur Mire iyo Wasiirka Boostada Galmudug oo ahaa labadii xubnood ee kala matalayay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ee u qaabilsanaa wada hadaladii dhex dhexaadinta laga waday Farmaajo iyo Rooble.

xegasho Abdiaziiz Golfyare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here