kadib qarax ismiidaamin ah oo saaka Alshabaab ku qaadeen deegaanka Laas-gacameey ee Magaalada Bacaad Gobolka Mudug kaasoo lala eegtay Madaxweynnaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo masuuliyiin xildhibaano ay ku jireen.
Qaraxaan oo ay ku dhaawacmeen Xildhiban C/salaan Dhabancad iyo Sanatar C/qeybdiid ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka ku xigeenka Amniga oo wareysi siiyay BBC-da laanteeda afka soomaaliga.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Galmudug wuxuu sheegay in qaraxa ay dhaawacyo culus ka soo gaareen 3 askari kuwaasoo midkood markii danbe u geeryooday.
Qaraxaan oo aad u xoogganaa ayaa sababay inuu bur-buro gurigii ay ku sugnaayeen Madaxweyne Qoor iyo Xildhibaanada iyadoo adaxweynuhu ka badbaaday balse xildhibaanadu soo gaareen dhaawacyo ka dhashay burburka guriga.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM