XAAFUUN (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa lagu eedeeyay inuu 18 maraakiib shisheeye ah u fasaxay inay si sharci daro ah uga kaluumeystaan Badda Somalia gaar ahaan xeebaha Puntland.
Edeyntaan waxay ka timid qaar ka mid ah Kalluumeydatada xeebaha degmada Xaafuun ee gobolka Bari kuwaasoo horyimid warbaahinta iyagoo cabasha ka muujinaya talaabada uu qaaday Wasiir Xagaa.
Kaluumeysatada waxay sheegeen in 18-ka Markab ay xiligaan xaalufin ku hayaan xeebaha Xaafuun ee Puntland inkastoo madaxda sare ee Puntland aysan wali ka hadlin eedeynta wasiirka loo jeediyay.
Kaluumeysatada reer Puntland oo sharaxaad dheeraaya bixiyay ayaa xusay in Wasiirku u saxiixay 18-ka Markab inay Baddeena ka gurtyaan kaluunka xili ay wataan qalab waa weyn.
Eedeynta ugu culus ee Wasiirka loo jeediyay ayaa ah inuu Acounti gaar ah ku shubto lacagaha uu ka qaado maraakiibta shisheeye.
Sidoo kale Kaluumeysatada oo warkooda sii wata waxay cadeeyeen in Shiinaha kaliya ay hada ka kaluumeysanayaan ilaa 8 markab kuwaasoo dhawaan ku soo laabtay xeebahaha Degmada Xaafuur si ay u xaalufiyaan Kaluunka .
Dhalinyarada cabashada muujisay ayaa ka cosatay madaxda sare ee Maamulka Puntland in dalka laga qabto Wasiirka kaluumeysiga oo sida ay sheegeen jeebkiisa ku rita waxa uu ka helo maraakiibta shisheyaha.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
