MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Beeraha Somali Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si kulul uga hadlay markiisa mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Ra’iisulwasaare Xamza ee ay wadaan xildhibaanada mucaaradka kuwaasoo ku eedeynaya xukuumada waxqabad xumo.
Wasiir Maareeye wuxuu u adeegsaday ereyo adag xildhibaanada wada mooshinkaasi sida inay fikrad shisheeye isagoo gabi ahaanba meesha ka saaray inaan xukuumada Xamza lagu ridi karin fikrado nuucaas.
“Mooshin la soo dhoofiyey oo diyaarad lagu sido, ayna wadaan kuwa wata talooyinka shisheeye laguma ridi karo xukuumada Xamza Cabdi Barre” ayuu yiri wasiir Maareey.
Tan iyo markii ay soo ifbaxday in xildhibaanada qaar isu diyaarinayan kalfadhiga baarlamanka ee dhawaan furmaya inay mooshin ka keenaan ra’iisulwasaarha ridistiisa ayaa waxaa iyagana dhankooda soo batay wasiirada difaacaya xukuumada ay ka tirsan yihiin madaama hadii Xamza la rido iyaguna sidaas ku wada baxayaan.

