Wasiir Maareeye oo Dhexda ka istaagay Fadeexad gaartay Xafiiska RW Kheyre

0

Wasiirka Warfaafinta ee DF ayaa waxaa kusoo naxday Fadeexad Musuq maasuq kadib markii uu Xilibaano iyo qof kaloo aan Xilibaan aheyn uu siiyey Maqaayada laga dhex furayo Tiyaatarka Qaranka oo maraya dhismihiisa mid gabogabo ah.
Talaabadan uu qaaday Wasiir Maareeye ayaa noqotay mid ay gaartay Xafiska RW Xasan Cali Kheyre iyadoo aad looga hor yimid Qorshahan Musuq maasuqa ah ee uu Maareeye u siiyey Xilibaano Baarka Cuntada taasoo la yaabka ugu weyn ay tahay sida uu ugu dhiiraday Qorshahan Magac dilka ku noqonaya Wasiir Maxamed Cabdi xayir Maareeye.
Damacii ahaa in Xilibaano ay yeeshaan Maqaayada iyo nin ka kale ayaa gabi ahaan burburay kadib markii Xafiiska RW Kheyre uu diiday arinkaa taasoo ka hor imaaneysa Xeer uu soo saaray RW Kheyre sanadkii 2018 kaasoo mamnuucaya arintan uu ku kacay Wasiir Maareeye Xeer kaasoo ah mid lagula dagaalamay Musuq a guud ahaan Goloha wasiiradana ay qasab ku tahay dhaqangalintiisa iyadoo lagu shaqeeyo xeerkan.

Ilaa hada lama oga Wasiir Maareeye waxa uu uga badashay siinta Xilibaanadan Maqaayada uu yeelanayo Xarunta Tiyaatarka Qaranka.
Xogtan oo aan ka helnay Dad ku dhow Xilibaanada uu waji gabaxa ku riday Wasiir Maareeye ayaa noo sheegay in Xafiiska RW aad uga gilgisheen in howshan ka hor imaaneysa Xeerka uu RW Kheyre u dajiyey Golaha Wasiirada u meel marto Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay marba ay kasoo ifbaxeysay dhankiisa arimo dood ka dhex dhalinayey Bulshada sida arintii la magac baxday Hubqaad iyo Baacsiga Karoonaha

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here