HomeWarkiiWasiir Maxamuud Ceydiid Dirir "Madawayne Xassan indho malaha miyaa, dhegool miyaa in...

Wasiir Maxamuud Ceydiid Dirir “Madawayne Xassan indho malaha miyaa, dhegool miyaa in dadkii nacay ma arko miyaa?

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa weerar afka ah mar kale ku qaaday Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu kaga hadlay si gaar ah xisbiga Madaxweyne Xasan hogaamiyo ee lagu magacaabo Xisbiga Cadaalada,wasiirka wuxuu sheegay in Madaxwaynuhu uusan cadaalad wadin.
“Madaxwaynuhu cadaalad ma wado, Shimbirta nabada ee midabkeedu cadaanka ahaa Cadaalad kama helin, dadkii soomaaliyeedna Cadaalad kama Helin mid nool iyo mid dhintay toona” ayuu yiri Wasiir Ceydiid Dirir
Sidoo kale wuxuu sheegay wasiir Maxamuud Ceydiid Dirir in dadku sida ay u naceen madaxweynaha ay gaareen inay caagad ku dhufteen isagoo hadlaya.
“Madawaynuhu indho malaha miyaa, dhegool miyaa in dadkii nacay ma arko miyaa ilaa uu gaaray in Shacabku ay caagad ku dhufteen isagoo hadlaya” ayuu mar kale yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -