Muqdisho (dayniiile.com)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya  Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta Xafiiskiisa ku qabtey shir jaraad oo uu uga hadley diyaargarowga xajka sanadka 1445-2024.

Wasiirka Mukhtaar ayaa waqti cayiman u qabtay dhamaan xujeyda Soomaaliyeed inay ku diyaar garoobaan Marka Xajka waqtigiisa loo dhawaado isagoona tirada baxeysana xusay.

Advertisement

‘’Bixinta Visaha Xajka waxey bilaabaneysaa 20-ka Bisha Shacbaan, waxeyna ku egtahay 20-ka Shawaal qofkii aan muddadaas qaadan ma Xajin doono‘’.ayuu yiri  Wasiir Mukhtaar Roobow

Sidoo kale Wasiirka ayaa mar uu ka hadlaayay tirada Xujeyda wuxuu sheegay 11-kun iyo shan boqol ruux oo Soomaali ah ay sanadkaan soo xajin doonaan insha Allaah.

Wasiirka ayaa xusay in Dowlada Sacuudiga wax ka badal ku sameysay waqtigii diyaar garowga iyagoo caalamul islaamna la wadaagay wax ka badalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 2 people, dais and text

Previous articleGolaha Wasiirrada oo ansixiyey Qoondada Miisaaniyadda sanadka 2024-ka  oo ka badan Hal Bilyan oo Dollar+SAWIRRO
Next articleQM oo sheegtay in shacaba Falastiin aaney heysan meel ay ku baxsan karaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here