Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa dhawaan sameystay muddo kororsi hal sano ah sida ay ku eedeeyeen siyaasiyiinta reer jubbaland ee diidan sida uu maamulka u isticmaalo madoobe si gaar ah dantiisana ka fiirsado keliya.

Siyaasiyiin ku shiray Muqdisho oo ay ka mid yihiin C/rashiid Janan,Taliyihii hore ee NISA Khaalid C/llaahi & Senetor Fartaag ayaa ka hor yimid qorshaha hal sano ku darsiga Baarlmaaanka Jubbaland usameeyeen Axmed Madoobe.

Hadalka siyaasiyiintaasi waxaa sii xoojiyey Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Xukuumadii hore,Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Axmed Madoobe inuu qol mugdi ah ugu xiran yihiin xildhibaanada Jubbaland warkiisa keliyana ay maqlaan,dastuurkana aan lagu dhaqmin.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in hal sano ka badan uu rabo inuu muddo kororsi ah sameysto Axmed Islaam Madoobe oo ilaa afar sano ah waa sida uu isaga warka udhigay.

Sikastaba ha ahaate lama oga taalabada dowladda cusub ee ka qaadan doonta mudo kororsiga Madaxweynaha Jubalaand ee uu dhawaan sameestay inkastoo laga ogyahay in muddo kororsigaan dhib weyn abuuri doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here