Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Maamulka Puntland C/Fataax Cabdi-Nuur ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud isagoona eedeyo culus u jeediyay.
Wasiir C/fataax wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan bur burburiyay midnimada Somaliweyn islamarkana uu isaga qaadayo masuuliyadeeda.
Hadaba halkaan hoose ka akhriso qoraal uu Wasiirku soo dhigay bartiisa Facebook:–
Hubaal waxa ah in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mahamud ay ku dul burburayso Qaranimadii iyo Midnimadii Soomaalia intii uu ku mashquul sanaa abaabulka budhcad badeed Dalka dhibaateeya, barakicinta Shacabka iyo weeraka Hubeesan ee uu ku beegsaday madaxweynayaashii iyo Ra’iisal Wasaareyaashii xukunka uga horeeyey si uu Xukunka sharci daro ugu sii haysto.
Duqa ha loogu dhaarto in aan Dalka la isgu hayn karin waraaqo bilaa xigmad ah , booto iyo qori caaradii. Talada oo dhulka la dhigo iyo doorasho wada ogol ah bay ku jirtaa Xalka Soomaalia .
