Garowe(dayniiile.com)- Masuul ka tirsan Maamulka  Puntland ayaa maanta eedeyn  ba’an u jeediyay Dowlada Soomaaliya isagoo xusay in weerar uu kaga yimid dhanka Dowlada Somalia.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay duullaan ku soo qaaday nabadda iyo jiritaanka Puntland”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka  Puntland Maxamuud Caydiid Dirir

Advertisement

Wasiirka wuxuu intaasi ku daray mar uu shir jara’id qabtay maanta Dowlada Somalia ay qal qal amni ka abuureyso gudaha Puntland .

“Villa Somalia oo adeegsaneysa qaar ka mida Xildhibaanada Faderaalka ee reer Puntland ayaa qal qal amni daro waxay ka abuurayaan Garoowe iyo guud ahaan Puntland”ayuu mar kale yiri wasirka

Masuulkaani oo aan cadeymo soo bandhigin wuxuu ku celceliyay in Dowlada Somalia dooneyso burburka reer Puntland xili sida uu sheegay ay adeessneyso dad dano gaara laga leeyahay.

Warka wasiirkaan wuxuu daba socdaa jadwal doorasho oo ay mucaaradka Puntland maanta soo saareeen kaasol ay ku sheegeen inuu yahay jadwalka doorashada Puntland.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here