JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay marka la eego dagaalka Hiiraan in awooda Alshabaab lagu hor taagan yahay ay yihiin macawisleyda gobolkaasi u dhalatay.
Wasiir Cabdi Daahir Guure Karoore wuxuu si cad u sheegay in ciidamada dowladda ee ku sugan Hiiraan ay awood ahaan ku tiirsan yihiin Macawiisleyda taas oo la micno ah inaaney ciidamada Dowladu kaligood dagaalami karin gaar ahaan furimaha dagaalka Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabelle wuxuu Dowlada ku dhaliilay inay dhaqaalihii iyo garab istaagii ka goosatay macawisleyda Gobolka Hiiraan taasoo keentay inuu istaago dagaalkii ka dhanka ahaa Alshabaab ee ka socday Hiiraan.
“Dowladu waxay si ku tala-gal ah u dayacday Ciidamada deegaanka ee macawisleyda loo yaqaan xili ciidamada Dowladuna awood ahaan ay ku tiirsanaayeen Macawiisleyda Hiiraan”ayuu yiri Wasiir Cabdi Daahir Guure Karoore
Bilihii ugu danbeeyay waxaa soo kordhayay guul darada Ciidamada Dowlada iyo kuwa macawisleyda marka la eego furimaha dagaalka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe kadib markii alshabaab mudadaan gaaban ku qabsadeen Degmooyin iyo deegaano dhowr ah sida Aadan-Yabal,Moqokori,Maxaas ,Tardo,Masaajid Cali Gaduud iyo goobo kale.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
