BRUSSELS (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Ireland Micheal Martin ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ku qasban yihiin in Israa’iil ay ku cadaadiyaan in aysan weerarin magaalada Rafah ee koonfurta Qaza.

“Midowga Yurub ‘waa inuu sameeyaa wax kasta oo suurtagal ah’ si loo joojiyo weerarka Rafah”ayuu yiri Micheal Martin

Advertisement

Sida ay warisay wakaaladda wararka ee Jarmalka Wasiirkaani wuxuu tilmaamay  in dunidu ka argagaxday heerka ku xad-gudubka bini’aadantinimada ee hadda ka jira  marinka Gaza xili uu  ka hadlayay Brussels.

Dhanka Wasiirka arrimaha dibadda ee Luxembourg Xavier Bettel ayaa sheegay inuu uga digay Israa’iil in ay khatar ugu jirto in ay lumiyaan taageerada ugu dambaysa ee ay adduunka u hayaan haddii ay weeraraan Rafah, halkaas oo ilaa 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah ay u carareen Ammni dartiis.

Sawirkaan waxaa laga soo qaaday suuqa Magaalada Rafax:-

Rafah

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMuxuu ku saabsan yahay shirka Nairobi ee lagu casuumay Madaxweyne Xasan
Next articleShariif Sh.Axmed oo ka hadlay in khudbadiisii laga soo deyn waayay TV-ga Qaranka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here