Wasiir Dudowlihii madaxtooyada Puntland Maxamed Xasan Ciise ayaa goor dhowayd ku geeriyooday magaalada Garowe

0

Geeridiisa waxaa loo sababeeyay markii neefshada ku adkaatay .

Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr, Jaamac Faarax Xasan oo aan qadka talefoonka kula xidhiidhnay ayaa inoo xaqiijiyay geerida wasiirka.

Maxruumka ayaa lagu waday in isla saakay loo qaado magaalada Muqdisho si halkaas xaaladdiisa caafimaad loogusood dabiibo.

Lama oga inuu u geeriyooday cudurka conaravirus.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa dhawaan ka digtay halista cudurka Covdi9, iyadoo sheegtay in ay soo kordheen kiisas cusub.

Puntland waxaa horey cudurka Covdi19 ugu geeriyooday wasiirka deegaanka Puntland iyo kormeerihii wasaaradda waxbarashada gobolka Nugaal.

Wariye Maxamed Rooraqyey

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here