Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ayaa u deyrisay codsi ka yimid dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaasoo Dowlada Canada u sheegtay in la masaafurinaayo..

Dhalinyaradaan oo la sheegay inay ka badan yihiin 150 oo dhamaantood Soomaali ah ayaa waxay ka codsadeen Dowlada Soomaaliya inay ka hor tagto qorshe Dowlada Canada ay ku dooneyso inay ku masaafuriso.

Advertisement

Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Mr.Isaaq Maxamuud Mursal ayaa u deyriyay dhalinyardaasi ineysay Dowladu waxba u qaban karin.

Wasiirka wuxuu xusay in sharci ahaan aaney Dowladu faraga gelin karin arintaasi madaama dadkaani Somaaliyeed markii hore Canada ku soo galeen dhalashada dal kale .

“ Wax aan u qaban karno malaha Soomaali markiisii horaba sheegatay dal kale”ayuu yiri wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya.

“Sharciga nooma ogala xitaa inaan u doodno waana sharci aduunku isku waafaqsan yahay” ayuu mar kale  yiri Wasiir ku xigeenka

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleHay’ada Qaramada Midoobey oo fasaxday dhoofinta dhuxusha Soomaaliya si kumeel gaar ah.
Next articleDowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kala saxiixday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here