HomeWarkiiWasiirada Gaashaandhiga Somalia iyo Shiinaha oo yeeshay kulankii ugu horeeyay

Wasiirada Gaashaandhiga Somalia iyo Shiinaha oo yeeshay kulankii ugu horeeyay

Beijing, 18-ka Sebteembar 2025 – Wasiirka Gaashaandhigga JFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Beijing kulan doceed kula yeeshay Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, Admiral Dong Jun, xilli uu ka qayb-galay Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Xiangshan. Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee heer wasiir dhex mara labada dal muddo ku dhow 40 sano, taas oo calaamad u ah bog cusub oo ku saabsan xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiir Fiqi ayaa kulanka ku sharaxay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo difaaca, isagoo xusay in ciidamada Soomaaliyeed ay xoreeyeen dhul badan oo ay hore ugu sugnaayeen kooxaha argagixisada, isla markaana lagu tallaabsaday xasillinta deegaanno muhiim ah oo dalka ka mid ah.

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, ayaa bogaadiyay horumarka iyo jihada wanaagsan ee ay Soomaaliya ku socoto, isaga oo ku tilmaamay “tallaabo rajo iyo xasillooni horseedaysa” dadaallada socda ee dib-u-dhiska amniga iyo adkeynta hay’adaha difaaca.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta, iyada oo diiradda la saarayo xasilloonida gobolka, la dagaallanka argagixisada, taageerada howlgalka AUSSOM, iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabad iyo amni waara oo ka hirgala Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -