Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Cabdirashid Haji Abdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo wadanka Turkeyga kaga qeybgalaayey Shirka Madasha Ganacsiga ee Turkeyga iyo Afrika, ayaa wuxu halkaas kulan gaar ah kula qaatay dhigiisa Turkey.
Labada masuul Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Xildhibaan Jibril Cabdirashid Haji Abdi iyo Wasiirka Ganacsiga Turkey  Prof. Dr. Ömer BOLAT waxay ka wada hadleen xiriirka ganacsi iyo xoojinta iskaashiga labada dal.
Labada dhinac, waxay sidoo kale falanqeeyeen dhammaystirka heshiiska Iskaashi ee Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkeyga oo loo yaqaano TEPA kaas oo maraya heer gebogabo ah sidoo kalena muhiim u ah horumarka dhaqaale ee labada wadan, waxaana ay Soomaaliya diyaar u tahay soo dhaweynta Maalgasheyaasha, iyo in Ganacsatada labada dhinac ba ay Maalgashiyo ka samayeen Soomaaliya iyo Turkeyga.
XIGASHO WARBAAINTA DOWLADA
May be an image of 9 people, newsroom and textMay be an image of 10 people, newsroom and textMay be an image of 2 people, newsroom, dais and textMay be an image of 2 people, dais, newsroom and text
Previous articleMareykanka oo dadkiisa Kenya ku sugan uga digay weerar Alshabaab kaga yimaada
Next articleDEG DEG; Dab aad u xooggan oo caawa ka kacay Xarunta Xalane+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here